West Ham ayaa 19 milyan ginni kula soo wareegtay daafaca reer Senegal El Hadji Malick Diouf oo ka yimid Slavia Prague. 20 jirkan ayaa Hammers ugu biiray heshiis wakhti dheer ah waxana la filayaa in uu todobaadkan la kulmo kooxda tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Germany. Diouf waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Slavia Prague markii ay ku guuleysteen horyaalka Czech xilli ciyaareedkii hore. Wuxuu yiri "kooxo badan" ayaa i xiiseynayay inan ku biiro, laakiin waxaan doortay West Ham, maadaama "ay ii ahayd qorshe wanaagsan". “Waxaan rabaa in aan u sheego taageerayaasha West Ham aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan la joogo, waxa aan filayaa in aan samayn doono xilli ciyaareed aad u fiican sanadkan”ayuu Diouf u sheegay website-ka kooxda. “Qof walba wuxuu rabaa inuu halkaan yimaado si uu uga ciyaaro Premier League, waxaan u maleynayaa inay riyo u tahay qof walba”. Tababare Graham Potter ayaa sheegay in Diouf, oo ka ciyaari kara garabka bidix ama garabka midig, uu ahaa ciyaaryahan ay kooxdu in muddo ah daawanaysay. “Waa da’yar, u ooman guulo oo hammi leh, waxaana filayaa inuu wax wanaagsan kusoo kordhin doono kooxda,” ayuu raaciyay.
Diouf ayaa ka tagay Senegal isagoo 18 jir ah, wuxuuna ku biiray kooxda reer Norway ee Tromso bishii Febraayo 2023, isagoo ciyaaray 21 jeer, wuxuuna dhaliyay seddex gool. Kadib sanad waxa uu ku biiray Slavia Prague waxana uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kulan uu horyaalka ay ku qaaden Karvina. Xilli ciyaareedkii hore, waxa uu dhaliyay todobo gool iyadoo Slavia ay ku guuleysatay horyaalka 16 dhibcood, kaliya 18 gool ayaa laga dhaliyay 35 kulan. Diouf ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee Senegal isreeb reebka koobka Qaramada Afrika oo ay la ciyaareen Burundi bishii Sebtembar 2024, waxaana uu ciyaaray kulankii saaxiibtinimo ee wadanku 3-1 kaga badiyay England bishii June.
0 Comments