LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Newcastle ayaa u dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt Hugo Ekitike.


23 jirkaan ayaa dhaliyay 15 gool waxaana uu sameeyay sideed caawin xilli ciyaareedkii hore iyadoo kooxdiisu ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Bundesliga. Ilo wareedyo ayaa sheegay in Newcastle ay haatan sahamineyso heshiis macquul ah oo ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer France, kaasoo ay u badan tahay inuu ku kici doono in ka badan 70 milyan ginni. Inkasta oo ay xiiso u qabaan Ekitike, BBC Sport ayaa loo sheegay Newcastle in ayna wax xiiso ah u qabin iibinta gool dhaliyihii ugu sareeyay xilli ciyaareedkii hore Alexander Isak kaas oo lala xiriirinayay kooxo ka dhisan Yurub oo ay ku jirto Liverpool. Weeraryahanka Sweden Isak, oo 25 jir ah, ayaa kaga soo biiray Real Sociedad 2022 adduun dhan 63 milyan ginni, taasoo hadda ah iibka rikoorka ah ee kooxda. Ekitike ayaa kaliya ku biiray Frankfurt xagaagii hore kadib markii uu amaah ugu horeeyay uga yimid kooxda Paris St-Germain waxana uu kula jiraa heshiis afar sano oo kale ah. Newcastle ayaa ku dhameysatay kaalinta shanaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore iyagoo u soo baxay Champions League. Todobaadki hore waxay dhamaystireen saxiixa Anthony Elanga oo ay kala soo wareegeen Nottingham Forest aduun dhan 55 milyan ginni iyagoo doonaya inay ku xoojiyaan kooxdooda ololaha cusub.

Post a Comment

0 Comments