LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

RASMI:Arsenal ayaa la soo wareegtay Norgaard

 


Arsenal ayaa heshiis 15 milyan ginni ah kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Denmark Christian Norgaard oo ay kala soo wareegeen Brentford. 31 jirkaan ayaa ugu soo biiray 10 milyan oo ginni - iyadoo ay suurtagal tahay In dib looga daro 5 milyan oo ginni oo lagu Qimeynayo waxqabadka Ciyaariyahanka-Wuxuuna qalinka ku duugay qandaraas labo sano ah oo ay ku jirto dookh hal sano oo dheeri ah Norgaard ayaa Brentford kaga soo biiray Fiorentina sanadkii 2019, wuxuuna noqday xidig muhiim ah, wuxuuna kabtan u noqday kooxdiisa waxa uu u saftay 196 kulan. Waa saxiixii seddexaad ee Arsenal xagaagan ka dib markii ay heshiisyo la gaareen ciyaartoyda Spain ee Martin Zubimendi iyo Kepa Arrizabalaga. Norgaard waxa uu sheegay in uu ku dhawaday inuu farxad la ilmeeyo sababtoo ah u saxiixidii Arsenal waxa ay la macno tahay in uu ku noolaan doono riyadiisii ​​ahayd in uu ciyaaro tartanka champions league.

Hadda waxaan noqday 31 jir waxaanan heshiis cusub u saxeexay Brentford,” ayuu yidhi. “Mar walba jogitankeyga Brentford majirin rajo weyn oo ah ciyaarista Champions League "Hadda waxaan maqli donaa heesta oo aan qayb ka noqon dona ololaha Champions League, Taasi waa riyo caruurnimo iyo wax aanan u malaynayn inay suurtogal tahay. Markaa waa wax aan runtii aad ugu faraxsanahay."

Ayuu si raciyay hadalkiisa Norgaard 

Norgaard wuxuu ka caawiyay Brentford in ay ku guuleysato horyaalka heerka labaad ee 2021 ki, ka hor inta uusan u ciyaarin 122 kulan oo Premier League ah. 

Sido kle Ciyaaryahanka khadka dhexe Zubimendi ayaa Arsenal kaga soo biiray Real Sociedad usbuucii hore heshiis ku kacaya 60 milyan ginni, goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa uga soo dhaqaaqay Chelsea 5 milyan ginni. Arsenal ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta weeraryahanka Sporting Viktor Gyokeres In ay heshiiskisa kusoo dhameyaa aduun dhan 70 milyan ginni, waxaana ay si rasmi ah ula xiriirtay garabka Chelsea ee Noni Madueke.

Norgaard muxuu ku soo kordhin doonaa Arsenal? 

Arteta wuxuu yiri, Waxaan ku faraxsannayahay" inuu Nagu soo biiro Norgaard sababtoo ah "xirfaddiisa hoggaamineed ee iyo Awoodiisa Ciyaareed ". "Waa ciyaaryahan khadka dhexe ah oo xoogan oo leh wacyigelin taatiko oo aad u wanaagsan iyo waxbadan, sidoo kale wuxuu leeyahay Awood jireed iyo Mis caqli taasoo na siin doonta Bandhig qoto dheer iyo dheelitirnaan dheeri ah," ayuu yiri Arteta. Norgaard ayaa lala xiriirinayay inuu dib ula midoobayo tababarihii hore ee Thomas Frank ee Tottenham xagaagan.kahor inta usan kusoo biirin Arsenal

Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee Premier League 2021, Norgaard wuxuu sameeyay 201 interceptions ah - in ka badan ciyaaryahan kasta oo Premier League ah inta uu sameyay Wuxuna dhaliyay Lix gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2024-25 

Norgaard waa ciyaaryahan difaac-Ama burburiye casri ah. Wuxuu Sameyn Xakameynta qadka dhexe Wuxuu u ogolaan karaa Martin Odegaard iyo Declan Rice inay sameeyaan wax qabadkooda inta uu Gadaal ilaalinayo Waxa kale oo uu dib u Habeyn karaa kubada oo uu u ciyaari karaa si wax ku ool ah. Horyaalka oo ay ka jiraan isbedelo badan,Waa ciyaaryahan dareemaya khatarta oo awood weyn u leh inuu dib u helo kubada wuxuu noqon karaa mid laga rabo kooxdaada. Jirkiisa, iyo xaqiiqda lagu tijaabiyay Premier League, ayaa sidoo kale ka dhigaysa saxiix macquul ah. Waxa uu wax weyn ku soo kordhin karaa Arsenal. Norgaard ayaa si fiican ugu habboonaan doona khadka dhexe ee Arsenal Sido kle Zubimendi Xitaa way wada ciyaari karaan haddii Arteta uu doorto labadooda inubwada ciyaarsiyo Zubimendi waa kubad gudbiye iyo abuure. Norgaard waa ciyaaryahan khadka dhexe ah oo soo ceshanaya kubad heysashadana ku fican, kana joojin kara kooxaha ka soo horjeeda inay si sahal ah u galaan Dhanka Xerada ganaxa ee ugu dambeysa. Arteta ayaa hubinaya inuu awood ku filan u yeelan doono khadka dhexe si uu ugu tartamo dhammaan afarta tartan.

Post a Comment

0 Comments