LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Xiddigii hore ee Arsenal Granit Xhaka Oo kusoo wajahan Premier League


 Kabtankii hore ee Arsenal Granit Xhaka ayaa Sunderland u soo bandhigtay fursad uu markale uga ciyaari karo Premier League xilli uu xiiso kahelaayo xiddiga khadka dhexe ka ciyaara kooxo kadhisan Saudi Arabia.

Xhaka, oo 32 jir ah, ayaa caan ka ahaa Emirates ka hor inta uusan ka tagin Arsenal kuna biirin Bayer Leverkusen 2023. Ka dib markii uu kula guuleystay horyaalka Jarmalka 12 bilood ka hor kooxda Bundesliga ka dhisan, waxay hadda u muuqataa in Xhaka uu u furan yahay inuu raadiyo is beddello kale.

Xiisaha loo qabo xiddiga heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa si Weyn loo Hadal hayay maalmihii la soo dhaafay.Laakiin Sunderland ayaa hadda ku jirta kooxa doonaya xiddigan waxaana la sheegay in ay Xhaka u soo bandhigtay heshiis 3 sano ah si ay sare ugu qaadaan dalabkooda ah in ay ku sii jiraan ka ciyaaristooda heerka sare sida uu wariyay Sky Sports Belgium.

Black Cats, oo ku soo baxday isreebreebka Championship-ka bishii May, ayaa sidoo kale wadahadalo kooxd ah la gashay Leverkusen iyaga oo u sii maraya milkiilehooda, Kyril Louis Dreyfus, iyagoo ka heshiiyey heshiis ku kacaya €10million (£8.6m).

Waxaa sidoo kale si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqaan ciyaaryahankoodii hore ee akadeemiyada, Jordan Henderson, kaasoo tan iyo markii danbe si xor ah ugu biiray Brentford.

Xhaka waxa laga yabaa inu ku biiro kooxda Sunderland oo ciyaareysa Premier League Kooxda ayaa la filayaa in ay raadiso saxiixyo badan ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka cusub sidoo kale iyaga oo sii wada qorshahooda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Post a Comment

0 Comments